Garoowe, August 01,2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ka qaybgalay munaasibad heer qaran ah oo lagu qabtay Caasimadda Garoowe, taas oo lagu xusayey kowda Agoosto ee ku beegan 25-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay Dawladda Puntland la aas-aasay.
Munaasabadda oo ay ka soo qayb galeen boqolaal shacab ah ayaa waxaa dhoolo tus ku soo bandhigay shaqaalaha weynaha Dowladda, qaybaha ciidamada iyo awoodooda, iyo sidoo kale kheyraadka kala duwan ee caanka ku tahay mandiqadan.
Ugu, dambeyn munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha DPL Siciid Cabdulaahi Deni, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Madaxweyne ku-xigeenka, Saraakiil, Wasiiro, Xildhibaanno iyo martisharaf kale oo kala duwan.
DHAMMAAD