Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha golaha wakiillada iyo qaybka mid ah xildhibanada oo safar shaqo ku jooga Gaalkacayo

Gaalkacyo, 09 Febraayo 2026, Xubno ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo qeyb ka ah wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ee safarka shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kormeer ku tagay Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Laanta Bangiga Dhexe ee Gobolka Mudug, iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd u kuurgelidda iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda ee gobolka. Intii uu kormeerku socday, xildhibaanadu waxay indha-indheeyeen habsami u socodka shaqada, iyagoo warbixino ka dhageystay mas’uuliyiinta xarumaha. Sidoo kale, waxay u soo jeediyeen tallooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarin karo shaqada laguna xallin karo caqabadaha jira.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top