Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto oo ku beegnayd sannad-guuradii 24-aad ee ka soo wareegtay xilligii la aas-aasay Dawladda Puntland.
Xafladda oo ka qabsoontay Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee GW DPL, Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.
Xuska Sannadkaan ayaa ahaa mid ka duwan sannadkii hore, waxaana dhaqaale loogu ururiyey dadka ay abaaraha saameynta ku yeesheen ee nool Puntland, waxaana hadalo ka jeediyey Madaxweynaha iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.