Badhan, May 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane, Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa galabta Badhan-Sanaag ku soo dhaweeyey, Madaxweynaha DPL Siciid Cabdulaahi Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku soo gaaray Gobolka.
Weftiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland.
Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweyntooda Badhan ka qayb-galay Maamulka Sanaag, kan degmada Badhan iyo boqolaal shacab ah, waxaana ugu dambeyn, hoygiisa ay ku booqdeen Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

