Badhan: August 30, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Badhan ka daah furay dhismaha Goleyaasha Degaanka Puntland ee dhawaan la doortay, kadib munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaararadda Arrimaha Gudaha oo lagu dhaariyey Golaha Degaanka Badhan.
Gudoomiyaha oo munaasabada soo xidhay ayaa u hambalyeeyey xubnaha Golaha Degaanka Badhan ee la doortay, iyo sidoo kale Duqa cusub ee Degmada iyo ku-xigeenkiisa oo iyagana isla goobta lagu dhaariyey.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaana mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay in si xilkasnimo ah ay uga shaqeeyaan horumarinta Degmadda iyo wax ka qabashada baahiyaha ka jira.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa faray Wasiirka Arrimaha Gudaha in Magaalada Badhan lagu daro mashruuca horumarinta Degmooyinka Puntland ee JPLG, kaas oo magaaloyinka ka taageera hirgalinta Wadooyinka iyo mashaariicda kale ee Puntland ay ka fuliyaan hay’addaha caalamiga ah.
DHAMMAAD.