Garoowe: September 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Madaxa UNDP Soomaaliya Mr Lionel Laurens ayaa shirkooda uga hadlay mashaariicda UNDP ka fuliso Puntland, Doorashooyinkii Goleyaasha Degaanka ee ka qabsoomay Puntland, xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland iyo sidii Hay’adda UNDP taageero buuxda uga geysan lahayd qorshaha Horumarinta Golaha Wakiillada.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo Madaxa Xafiiska UNDP ee Garoowe.
DHAMMAAD.