Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada..

Garoowe, Agoosto 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixin uga dhageystay Guddiga, taas oo ku saabsan shaqada Guddiga kadib magacaabistii 25 Luulyo, 2022 taas oo Guddoomiyaha ku magacaabay Xeer Lr. 53 sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 8-aad farqadda 11-aad.

Guddiga ayaa maalmaha soo socda lagu waddaa inay soo dhammeystiraan Xog-ururinta Natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top