Garoowe, February 24, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda DPL, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Save the Children oo uu hoggaaminayey madaxa Xafiiska hay’adda Save Children ee Puntland Maxamed Cabdulqaadir Siciid.
Kulanka ayaa looga hadlay wada shaqeynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Hay’adda Save the Children iyo guud ahaan xoojinta shaqooyinka hay’addu ka wado deegaannada Puntland.
-DHAMMAAD