Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirka daneeyayaasha doorashooyinka Puntland

Qardho, October 19, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Banbaxa ee daneeyayaasha doorashooyinka Puntland.

Shirkan waxaa kale oo ka qeyb-galay xildhibaano, wasiiro, Guddiga Doorashooyinka Puntland, iyo daneeyayaasha doorashooyinka, iyadoo sidoo kale lagu casuumay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyaynta Puntland.

Ujeedada shirka ayaa ahayd in lagu falanqeeyo casharadii laga bartay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, si loo horumariyo qaabeynta doorashooyinka mustaqbalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray caqabado iyo fursado horyaalla nidaamka doorashooyinka, iyadoo la raadinayo xalal wax ku ool ah.

Guddoomiye Abdirisak Axmed Siciid ayaa shirkan ku soo bandhigay warbixin muhiim ah oo ku saabsan qaababka doorashooyinka kala duwan ee dalka soo maray, isagoo soo jeediyey talooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka doorashada.

Kulankan ayaa muujinaya sida Dowladda Puntland ay u go’an tahay kor u qaadista dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka bulshada ee go’aannada siyaasadeed, taasoo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka ee ku aaddan mustaqbal ifaya.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top