Garoowe, November 13, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha 4-aad ee Deegaanka & isbedalka cimilada Puntland, kaas oo 2-dii sano-ba mar la qabto.
Shirka oo 2-maalin soconaya ayaa lagu soo badhigayaa xogta xaaladda deegaanka & isbadalka cimilada Puntland sida nabaad guurka, boholaha, duurjoogta, bacaadka, maareyn la’aanta qashinka & qorshaha Dawladda ee wax looga qabanayo arrimahan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Wasaaradda Deegaanka ku bogaadiyey qabsoomida shirweynahan ayaa yiri ”waxaynu hadda la daala dhacaynaa abaaro iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay isbedelka cimilada taas oo ka liiftay in baadka iyo biyuhuba gabaabsi noqdaan, waxayna u baahan tahay in isku duubni iyo da’daal wadareed lagu wajaho”.
Shirweynaha waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuummada, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada, Guddoomiyeyaasha Gobolada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Daneeyaasha arrimaha deegaanka Puntland & marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland