Golaha Wakiillada

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiilada ayaa ka qaybgalay maalinta Furdooyinka Caalamiga ah.

Boosasso, 26 Janaayo 2026- Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa caawa ka qeybgalay xuska Maalinta Furdooyinka Caalamiga ah, munaasabad oo ay soo agaasintay Wasaarada Maaliyada Puntland oo lagu xusayay doorka ay leeyihiin furdooyinka caalamka.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta furdooyinka, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada, Mudane Maxamed Baarri, oo munaasabadda ka jeediyay hadal, ayaa Hambalyo u diray dhamaan howl wadeenada furdooyinka Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

Scroll to Top