Garoowe, November 01, 2023: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Mr Dragan Popivic mas’uulka ugu sareeya barnamaijka siyaasadda loo dhahanyahay ee (UNDP Inclusive politics portfolio manager).
Guddoomiye ku-xigeenka iyo weftiga UNDP ayaana ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta UNDP iyo Golaha Wakiilladda DPL iyo sidii hay’adda UNDP taageero buuxda uga geysan lahayd qorshaha horumarinta Golaha Wakiillada DPL.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo Madaxa Xafiiska UNDP ee Garoowe iyo saarkii kale oo tirsan Golaha Wakiillada iyo Hay’adda UNDP.
DHAMMAAD