Garoowe, Febraayo 13, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Maxamed Baari Shire ayaa maanta kormeer ku tegay Xafiiska difaacaha xuquuqda Puntland.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Guddoomiyaha xafiiska Siciid Cabdi Muumin, taas oo ku aadan xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, caqabadaha haysta iyo qorsheyaasha u degsan.
Guddoomiyaha Xafiiska oo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada la wadagaay warbixinta heerka wakhtigan ay gaarsiisan tahay xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, ayaa sheegay inay diiwaan geliyaan dhammaan dhacdooyinka lidka ku ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca deegaanada Puntland.
Ugu dambeyn Guddoomiye Maxamed Baari Shire ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Xafiisku.
DHAMMAAD.