Golaha Wakiillada

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Carmo Luulyo 14, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer ku tegay Kuliyadda tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Carmo.

Guddoomiye ku-xigeenka waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Kuliyadda iyo Saraakiisha kale waxaana ay warbixin ka bixiyeen shaqooyinka ay hayaan iyo caqabadaha jira.

Weftiga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa booqday qaybaha kala duwan ee xarunta, ceelka riiga ah ee Kuliyadda iyo dhismeyaasha kala duwan ee xarunta kuyaala.

-DHAMMAAD-

Scroll to Top