Golaha Wakiillada

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa booqday xarunta cusub ee Bangiga Dawladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso

Boosaaso, Oktoobar 14, 2024 – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta booqday xarunta cusub ee Bangiga Dawladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso.

Intii uu kormeerku socday, wafdiga ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta Bangiga, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa qorsheysan ee xarunta. Masuuliyiinta Bangiga ayaa soo bandhigay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu ballaarinayo adeegyada Bangiga.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ku booriyay madaxda Bangiga in ay sii dardargeliyaan adeegyada ay bulshada u hayaan, si loo hubiyo in Bangigu uu si habsami leh u shaqeeyo, loona horumariyo adeegyada maaliyadeed ee lagu taageerayo koboca dhaqaalaha Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top