Boosaaso, September 26, 2024 – Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Nabadoonada Gobolka Bari. Kulankan oo qayb ka ah socdaalka ballaaran ee wefdigu ku marayaan gobollada Karkaar, Bari iyo.Raascasayr ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta adeegyada bulshada iyo suggidda amniga ee Gobolka Bari.
Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amniga ee gobolka, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo shaqeeyo si loo xoojiyo nabadda iyo la dagaalanka falalka amni-darrada ah. Sidoo kale, Nabadoonada iyo wefdiga ayaa isla gartay in kor loo qaado iskaashiga bulshada iyo hay’adaha dawladda si loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka, Korontada. waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.
Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay taageeraan qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kuwa amniga, iyagoo balanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan bulshada deegaanka iyo odayaasha dhaqanka si loo xaqiijiyo guulaha la higsanayo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socdaalka wefdigu ku marayaan gobollada Bari iyo Karkaar, iyagoo ku hawlan qiimeynta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo isku-xirka bulshada iyo dowladda si loo abuuro jawi horumarineed oo waara.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland