Garoowe: 10,October,2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan ayaa maanta ka qayb galay furitaanka Shir lagu dhammaystirayo nabadaynta colaaddii Saax-maygaag iyo Senge-jebiye.
Furitaanka Shirkan ee Maanta oo sidoo kale ay kasoo qayb-galeen Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Taliyaha Ciidanka Booliska DPL, isimada Dhaqanka Puntland iyo ergo ka socota Beelaha Walaala ah ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo lagu soo afjarayo Colaadii bilaabantay bishii January ee Sanadka.
Guddoomiye Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan oo rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo afjaro Colaadii dhacday ayaa ku booriyay labada beelood inay soo saaran xalka ugu dambeeya.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.