Garoowe, March 04, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa furay kulan Aqoon-Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada.
Aqoon is-waydarsigan ayaa diirradda lagu saarayaa Taageerada Maamul Ee Ka-Qaybgalka Dadweynaha Iyo Wacyigelinta Bulshada ee Golaha Wakiillada. Waxaana fududeeyey khuburo ka socota Hay’adda Max Planck foundation.
Guddoomiye Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise oo furay Aqoon is-waydaarsiga ayaa Hawl-wadeennada Golaha Wakiillada kula dar-daarmay in laga faa’iidaysto aqoon is-waydaarsiga si ay qeyb uga noqoto dardargelinta iyo casriyeynta hawlaha Golaha Wakiillada.
– DHAMMAAD

