๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐, ๐๐ ๐๐ค๐ญ๐จ๐จ๐๐๐ซ ๐๐๐๐ โ Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Mahamud Esse, oo hormuud u ah masโuuliyiinta labada gole ee dowladda ku matala Gobolka Mudug, ayaa maanta qado-sharaf ku maamuusay wafdi ballaaran oo ka kooban isimada dhaqanka,Guddiga Hormarinta Deg Gaalkacayo iyo ganacsatada Gobolka Mudug, kuwaas oo howlo shaqo u jooga caasimadda Puntland.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay ๐๐ฌ๐ฅ๐๐๐ง ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ซ ๐๐ฌ๐ฅ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐, waxaana sidoo kale ka mid ahaa ganacsato ka yimid waddamada Bariga Afrika iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Mudug.
Munaasabaddan qado-sharafta ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qayb galay isimada dhaqanka, masโuuliyiinta labada gole ee dowladda ku metela Gobolka Mudug, ganacsato iyo siyaasiyiin reer Mudug ah.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta xiriirka wada-shaqeynta, dhiirrigelinta horumarka, iyo wadatashiga ku aaddan danaha guud ee shacabka Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug.
DHAMMAAD โ




