Garoowe, March 06, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta daah-furay Aqoon-s-waydaarsi ku saabsan Doorka & Waajibaadka qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiillada ee Barlamaanka 6-aad ee Puntland.
Aqoon-is-waydaarsigan oo ay maanta ka qeyb galeen xubnaha Guddiyada Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurk, Amniga iyo Nabadgelyada, Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska & Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Puntland ayuu ujeedkiisu ahaa doorka iyo Waajibaadka Guddiyada, waxaana uu noqon doonaa mid wax badan ka tari doona tayada, fahamka guud iyo nidaamka shaqo ee Guddiyada, ayadoo loo tixraacayo Dastuurka Dawladda Puntland & Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Guddoomiye Maxamed Maxamuud Ciise ayaa u mahadceliyey dhammaan xildhibaannada ka qeybgalay Aqoon-is-waydaarsigan, wuxuuna xusay in Guddi walba la siin doonno tababar u gaar ah oo ku saabsan arrimaha guddigu u xilsaaran yahay. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’adda Max Planck Foundation iyo khubaradii bixineysay tababarka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamed ayaa si rasmi ah u furay Aqoon-is-waydaarsiga, wuxuuna carabka ku dhuftay in la joogteyn doonno Aqoon-Is-Waydaarsiyan la siinayo Guddiyada Golaha Wakiillada.
-DHAMMAAD-