Gaalkacyo, Agoosto 12, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Mohamed Mohamoud Isse oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladda Gaalkacyo.
Kulankan oo ahaa mid furan oo ujeedadiisu tahay in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya shacabka iyo Golaha Wakiillada, ayaa suurtageliyay in shacabka ay si toos ah u weydiiyaan Xildhibaannada iyo xubnaha Xukuumadda su’aalaha ay ka qabaan arrimaha muhiimka ah ee horyaalla bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee saameeya nolol maalmeedka dadka reer Gaalkacyo.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay dareen wadajir ah oo ah in loo baahan yahay isku xirnaan dheeri ah si loo gaaro hadafyada wadajirka ah ee Dawladda iyo shacabka Puntland.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland