Qardho, 24-ka Maajo 2025 — Xildhibaan Cabdiqaadir Xasan Siciid(Daadir), Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Qardho Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025.
Furitaanka imtixaanka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada, maamulka degmada Qardho, macallimiin iyo kormeerayaal. Xildhibaanku wuxuu ardayda ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan dadaal, adkaysi iyo kalsooni, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar.
Imtixaankan ayaa waxa uu si isku mid ah uga socdaa guud ahaan Puntland, waxaana ardayda u fadhiisanaysa ay ka kala socdaan dugsiyada dhexe iyo sare.
DHAMMAAD –
Wixii faah-faahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland


