Garoowe, January 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Maxamed Maxamud Ciise ayaa maanta qado sharaf u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee ka qeyb-galay Xafladii caleema-saarka Madaxda Puntland.
Sidoo kale madasha waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Guddiga joogtda ah ee Golaha Wakiillada Puntland.
XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA PUNTLAND
– DHAMMAAD



