Garoowe 05,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugan Puntland.
Munaasabada soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Shacabka BFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaanno ka kala tirsan DFS & Puntland.
Madaxda ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee Aqalka Wakiillada Puntland oo uu ku jiro Hoolka weyn ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland shaqada muuqata oo ku soo kordhiyey Aqalka Wakiillada oo ay ku jiraan xafiisyo cusub oo loogu talagalay Guddiyada & Howl-wadeenada, si loo fududeeyo, loona casriyeeyo shaqada Baarlamaanka Puntland.
Ugu dambeyn, Madaxda Goleyaasha Federalka & Puntland ayaa yeeshay shir gaar ah oo ay uga arinsanayaan sii xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland