Garoowe, February 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamud Ciise ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay isimada SSC-Khaatumo oo ku sugan Caasimadda Garoowe.
Sidoo kale madasha waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, Xoghayaha Guud iyo howlwadeeno kamid ah Golaha Wakiillada.
– DHAMMAAD-


