Gaalkacyo, Agoost 12 2024: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ay hogaaminayan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise islamarkaana maalmihii lasoo dhaafay Kormeer iyo xog waran guud ku sameynayey xaalada Gobolka Mudug sida Amniga, adeegyada Dawladda iyo arrimaha bulshada ayaa maanta soo gaba-gabeeyey.
Waxaana weftiga Golaha Wakiillada loo soo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka, caqabadaha iyo cabashooyinka haysta dadweynaha Gobolka Mudug, iyadoo Xildhibaannadu ay balan qaadeen inay la wadaagi doonaan hay’addaha iyo cidkasta ay khusayso si wax looga qabto baahiyaha ka jira Gobolka Mudug.
DHAMMAAD