Golaha Wakiillada

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA OO QAABILAY XUBNO KA SOCDA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA.

Garoowe, Oktoobar 27, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad, Mudane Hon Mohamed Mohamoud Isse, iyo xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiillada Puntland, ayaa maanta si rasmi ah u qaabilay xubno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee Aqalka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Kormeerkani wuxuu ku saabsanaa in Xubnaha labada Aqal ee BJFS si dhow ugu kuurgalaan shaqooyinka Golaha Wakiilladda DPL & habraacyada maamul ee xafiisyada kala duwan.

Wafdiga Baarlamaanka JFS ayaa kormeerkooda ku bilaabay Xafiiska Guddoonka Golaha Wakiillada, halkaas oo ay ka war heleen qaab-dhismeedka iyo istaraatiijiyada shaqo ee xafiiska. Sidoo kale, waxay soo booqdeen Xafiisyada Hawl-wadeennada iyo hoolalka shirarka ee Guddiyada, Martida iyo Hoolka weyn ee Golaha.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo hirgelinta iyo dardargelinta iskaashiga ku saleysan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Madaxda labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan inta ay ku sugan yihiin Garoowe muhiimadda ay leedahay in xiriirka Dawladnimo lagu saleeyo qiyamka wadajirka, horumarka, iyo ilaalinta mas’uuliyadda wadaagga ah ee u dhexeysa Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

Kulanku wuxuu diiradda saarayay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta mustaqbalka, taas oo muhiim u ah dhisidda xiriir waara oo daahfuran, kor u qaadidda adeegyada bulshada, xoojinta amniga, iyo dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee Puntland iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

— DHAMMAAD —

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

https://fb.watch/vucPXZNCE0

Scroll to Top