Golaha Wakiillada

Guddoonka oo qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe ( SAWIRO)

Garoowe: 25,October 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabcasiis Cabdulaahi Cismaan ayaa maanta aqalka Wakiillada ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe.

Kulanka oo ay ka qayb-galeen xubno kamid ah Mudaneyaasha Baarlamanka ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa looga hadlay Xaalada guud ee Gobol Nugaal, waxaana Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Degmada oo ka warbixiyey Arrimaha Gobolka iyo Degmada ay sheegeen inay si wanaagsan ay u socdaan howlaha shaqo Dawladda Hoose iyo Gobolka Nugaal sida hirgelinta Wadooyinka, bilic soo celinta, Amniga iyo Adeegyada Bulshada.

DHAMMAAD


Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top