Golaha Wakiillada

Gudidiga gaarka ah ee golaha wakiillada dowlada puntland

Garowe, 25 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland.

Guddigu waxa ay kulan la yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, iyaga oo ka waraystay adeegyada iyo barnaamijyada ay Wasaaraddu u fidiso dadka baahiyaha gaarka ah qaba, agoomaha iyo dadka garaad-dhimanka ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray helitaanka xog dhammaystiran oo la xiriirta taageerada waxbarasho, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaraddu ku horumarinayso adeegyada gaarka ah.

Guddigu waxa ay xuseen in xogtan ay muhiim u tahay diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo Golaha lagu horgeyn doono.

DHAMMAAD

Scroll to Top