Boosaaso, 8 may 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo shalay soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay Guddiga Amniga Gobolka Bari, iyadoo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu warbixin ku saabsan xaalada nabadgelyo ee Boosaaso uu ka dha dhageystay Guddigan, iyagoo sheegay in xaaladu tahay mid wanaagsan.
Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamada amniga looga baahan yahay da’daal dheeri ah maalmaha lagu jiro isu soo baxyada ololaha doorashada ee ay sameynayaan Xisbiyada siyaasada, islamarkaana la xaqiijiyo amniga magaalada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa kulan kale la qaatay Wasiirada & Xildhibaannada Dawladda Puntland ee ku sugan Boosaaso, isagoo ka dhageystay aragtidooda ku aadan sida laysaga kaashan karo in jawi nabdoon ay ku qabsoomaan doorashooyinka Golaha Deegaanka Magaalada.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.