Golaha Wakiillada

Kormeer shaqo dekedda magaalada boosaaso.

Boosaaso, October 06, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekedda Boosaaso, oo ah mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaale ee dalka.

Intii uu kormeerku socday, wafdiga ayaa booqday qaybaha kala duwan ee dekedda oo ay ka socdaan hawlo dhismo iyo horumarineed. Guddoomiye ku-xigeenka iyo wafdigiisa waxay warbixin ka dhageysteen masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha Puntland, kuwaas oo xaqiijiyay in shaqada dekedda ay si habsami leh u socoto, iyadoo ay ku xiran yihiin maraakiib badan oo adeegyo ganacsi kala duwan wadda.

Masuuliyiinta Dekedda ayaa tilmaamay in dekedda la ballaariyay, isla markaana ay sii socoto shaqooyinka horumarineed, taas oo ka dhigaysa dekedda mid awood u leh in ay wax weyn ka qabato baahiyaha ganacsi ee Puntland. Dekedda Boosaaso ayaa door muhiim ah ka qaadata kobaca ganacsiga gobolka, gaar ahaan soo dejinta iyo dhoofinta badeecooyinka muhiimka ah.

Kormeerka wafdiga ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in dekedda ay sii ahaato mid casri ah oo u adeegi karta baahiyaha ganacsi ee Puntland iyo guud ahaan gobolka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top