Garoowe, Agoosto 24, 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Madaxa Siyaasadda u qaabilsan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Xafiiska Puntland, Galetshajwe Rebagamang.
Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha, dhammeystirka dar-dar gelinta hannaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland.
Madaxa Siyaasadda UNSOM ee Puntland ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee Dawladda Puntland qabtay.
Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ayaa uga mahadceliyey wefdiga UNSOM wada-shaqeynta wanaagsan ay la leeyihii Dawladda Puntland.







DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland