Garoowe, September 14 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Dr. Maryan Qaasim oo kasocotay Hay’adda UNFPA.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Dawladda Puntland iyo UNFPA iyo sidii loo sii labo jibaari lahaa Shaqooyinka Hay’addu ay ka wado deegaanada Puntland.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb-galay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo saraakiil ka socotay hay’adda UNFPA xafiiskeeda Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland