Boosasso, January 23, 2023: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan oo ay weheliyaan ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb-galay Dhagax-dhiga wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso kaas oo uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa lagu kordhin doonaa wejiga 3aad
1. Qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Passenger
2. Qaybta Xamuulka (Terminal Cargo)
3. Dhismaha qaybta Dab-damiska
4. Dhismaha Tower Cusub iyo
5. Sidoo kale waxaa la dhammaystiridoonaa oo hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hoteel casriya oo uu yeelandoono Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland