Garoowe: December 23, 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa ka qayb-galay kulan casho sharaf ah oo Madaxtooyada Garoowe loogu sameey qurbajoogta Puntland oo dhawaan shirweyne isugu yimid Garoowe.
Guddoonka ayaa waxaa kala qeyb-galay Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda.




















DHAMMAAD
Xafiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland