Golaha Wakiillada

Ku-simaha Guddoomiyaha ka qeyb-galay Qalin-jabinta EAU Qardho

Qardho, December 28, 2022: Ku-simaha  Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 8-aad ee Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Qardho.

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ugu horeyn hambalyeeyay ardayda dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen, waxa uuna ku dhiira-geliyey sidii ay horumarka dalkooda ugu shaqeyn lahaayeen.

Munaasabadda qalinjabinta dufcadda 8-aad ee Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Qardho waxaa kala qeyb-galay Guddoomiyaha Xildhibaano,  Wasiiro, Sarkiisha Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka, kan degmadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Wasiiro, Maamulka Jaamacadda, Saraakiil Baarlamaanka ah.

Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey ku  Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda EAU faraceeda Qardho kaalinta wanaagsan ay ka qaateen horumarinta waxbarashada dalka.

In ka badan 120 arday ayaa ka qalin-jabisay maanta Jaamacadda EAU Qardho.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top