Banderbeyla, January 08, 2023: Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa kormeer shaqo ku tagay Degmadda Banderbeyla ee Gobolka Karkaar.
Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa kormeerka ku tagay xarumaha Diiwaan-gelinta Codbixiyaha ee Gobollada Karkaar, Bari iyo Gardafuu.
Kormeerka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehliyey qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Sidoo kalena, Wefdiga uu Hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ayaa shalay kormeer ku tagay Degmadda Dhudhub.














DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland