Banderbeyla, January 10, 2023: Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Xildhibaan Xaamud Ismaaciil Xirsi ayaa maanta iska diiwaan-geliyay xaafadda IL-raxmo ee degmada Bander-beyla si ay uga codeeyeen Doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota.
Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maalmahaan Kormeer shaqo ku mareyay Goobaha Diiwaan-gelinta Gobolka Karkaar ayaa u mahadceliyay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Ciidanka amniga, dadka deegaanka iyo Bahda Warbaahinta.
Guddoomiyaha ayaa dhammaan shacabka Gobollada Karkaar, Bari iyo Gardafuu ugu baaqay inay is diiwaan-geliyaan si ay u helaan xuquuqda codbixin.
Nidaamka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ayaa ah mid ka mid ah qorshaha Dawladda oo go’aanka shacabka dib loogu celinayo.
DHAMMAAD