Golaha Wakiillada

Kulanka Goleyaasha Dawladda & Dadweynaha Magaalafda Boosaaso

Boosaaso, October 02, 2024 – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, kana kooban Goleyaasha Dawladda ayaa caawa Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Boosaaso kulan kula la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso. Kulanka ayaa qeyb ka ahaa booqashooyin wafdigu ku marayaan gobolka, iyaga oo ka shaqeynaya kor u qaadista adeegyada bulshada, amniga, iyo wada-shaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo shacabweynaha.

Kulankan, waxa uu xooga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo dadweynaha. Waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Duqa Degmadda Carmo, saraakiil ka tirsan ciidamada amniga, aqoonyahanno, haweenka, dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo talooyin muhiim ah ka dhiibtay arrimaha horumarka, amniga, iyo maamulka suuban.

Guddoomiye Hon. Mohamed Baarri Shire oo madasha hadal ka jeediyey, ayaa u sheegay dadweynaha in dawladdu ka go’an tahay inay sii xoojiso adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in amniga Boosaaso uu yahay arrin mudnaan gaar ah leh, isagoo ballan qaaday in Dawladda Puntland uu si dhow ula shaqeyn doono bulshada iyo ciidamada amniga si loo sugo deganaanshaha iyo horumarka guud ee magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Duqa Degmada Boosaaso ayaa iyaguna madasha ka jeediyay khudbado dhiirigelin leh, iyaga oo ku bogaadiyay shacabka sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dawladda Puntland si loo gaadho himilooyinka waaweyn ee horumarineed. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo wadajir iyo midnimo si looga gudbo caqabadaha ku xeeran gobolka.

Gunaanad Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi isfaham leh, iyada oo la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo midnimada bulshada iyo dawladda si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Puntland.

Tallaabooyinkan ayaa la filayaa in ay wax ka tari doonaan yoolka fog ee Dawladda Puntland ee ku saleysan dhismaha bulsho ku tiirsan nabadgelyo iyo horumar waara.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Scroll to Top