#Buraan, 6 Oktoobar 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Haylaan ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Dagmadda Buraan.
Kulankan oo ka dhacay Degmada Buraan waxaa ka qaybgalay Maamulka Degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan Xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay.
Dhinaca kale, waxaa laga soo jeediyey waxqabadka Golaha Wakillada ee ku aaddan Xeer-dejinta, Korjoogteynta Hay’adaha dawlaha iyo Matelaadda
Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha.


