Garoowe, 18 Oktoobar 2025— Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagaga hadlayey xaaladda Guud ee dhaqaalaha Puntland iyo dabagalka Miisaaniyadda 2025.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in goluhu xog ka helo arrimaha dhaqaalaha dalka, daba galo nidaamka guud ee maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dawladda, islamarkaana lagu kor-joogteynaya dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2025 ee Goluhu ansixiyey. Waxaa si gaar ah loo kor istaagay xaquuqda shaqalaha, ciidamada iyo guud ahan cabashooyinka jira.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka warbixiyey guulaha ay gaartey Wasaaraddu ee ku aaddan dhakhli ururinta, kharash bixinta, caqabadaha jira iyo sidii si wadajar ah xal loogu helihaa caqabadaha jira.
Ugu dambayntii, dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha ayaa kula dar-daarmay wasaaradda maaliyadda adkeynta Ilaalinta xuquuqaadka shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dawladda, iyadoo la soo jeedeyey xalal ku saabsan bixinta xuuqaha iyo culaysyada kale iswaafajintooda.
Dhinaca kale, waxaa Wasaaradda maliyadda la faray, dar-dargelinta dakhli Ururinta, beekhaaminta kharashka iyo bixinta, iyadoo loo balamay kulamo kale.
DHAMMAAD –![]()


