Golaha Wakiillada

Kulanka Guddiga Siyaasadda,Qorshaynta,Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Wasaaradda Qorshaynta.

Garoowe , 21 Oktoobar 2025 โ€” ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š, ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š, ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š, ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ฅ๐š๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก.

Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga, ๐—๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ž ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง, ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray waajibaadka Guddiga ee kor-joogtaynta hayโ€™adaha dowladda, waxaana guddigu uu warbixin dhammaystiran ka dhegeystay masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Mashaariicda ka socda Puntland, tiradooda, Noocyada ay u qayb samaan.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay ka war bixisay Qorshaha Horumarinta 5 ta sanno ee ay gacanta ku hayso, halkuu marayo iyo caqabadaha ku gadaaman, sanduuqa horumarinta Puntland iyo dhisidda Xafiiska Qurba joogta Puntland oo ay hadda gacanta ku hayaaan.

Ugu dambayn, Guddiga wuxuu Wasaaradda Suโ€™aalo ka weydiiyey shaqooyinkeeda kuna dhiirigeliyey inay sii horumariyaan, iyadoo guddigu na uu ka balan qaaday wixii caqabado ee haystana inuu kala shaqayn doono sidii looga gudbi lahaa.

DHAMMAAD โ€“

Scroll to Top