Golaha Wakiillada

Kulanka Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Qardho.

Kulanka Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Qardho

Qardho, 23 Sebtembar, 2024: Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa caawa kulan ballaaran la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Qardho.

Kulankan ayaa daba socday kormeerkii ay sameeyeen wefdigu labada maalmood ee la soo dhaafay, kaas oo ay ku indho-indheynayeen adeegyada iyo horumarka degmada.

Shirweynaha caawa ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada bulshada, nabadgelyada, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo hay’adaha Dawladda. Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dadweynuhu kaalin mug leh ka qaataan horumarka guud ee Puntland.

Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxda heer gobol iyo heer degmo, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Duqa Degmada Qardho, iyo xubno kale oo muhiim ah. Dadweynaha ka qeyb galay kulanka ayaa muujiyey taageeradooda ku aaddan dadaallada Dawladdu ku doonayso in la horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee degmada, iyagoo soo jeediyey talooyin muhiim ah oo ku saabsan dardargelinta mashaariicda horumarineed.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa dhankiisa balanqaaday in waxyaabaha laga soo jeediyey iyo baahiyaha ay bulshada u soo bandhigeen laga qaadi doono tallaabooyin cadcad, islamarkaana laga shaqeyn doono sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagu horumarinayo degmada iyo guud ahaan Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top