Golaha Wakiillada

LA XISAABTANKA HAY’ADAHA AMNIGA EE DAWLADDA PUNTLAND.

Garowe, Nofeembar 16, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray la xisaabtanka hay’adaha fulinta ee Dawladda Puntland, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya sugidda Amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagaxisada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga iyo DDRta, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Darwiishta, Agaasimaha Hay’adda Nabad-suggida, iyo saraakiil kale oo muhiim ah ayaa kulanka ka qayb galay.

Mas’uuliyiintaas ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga Puntland iyo tallaabooyinka lagu sugayo xasilloonida, iyadoo sidoo kale lagu faah-faahiyay caqabadaha iyo guulaha laga gaaray hawlgallada kala duwan.

Warbixinaha ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka hay’adaha Amniga, qorsheyaasha lagu xoojinayo badqabka magaalooyinka iyo xuduudaha fogfog, iyo hawlgallada lagu beegsanayo kooxaha khatarta ku haya nabadda. Waxaa sidoo kale la faah-faahiyay dib-u-habeynta xarumaha xabsiyada, hagaajinta daryeelka maxaabiista, iyo hirgelinta nidaamyo waafaqsan xuquuqda aadanaha.

Intii uu kulanku socday, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa mas’uuliyiinta su’aalo ka weydiiyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee amniga, hawlgallada ciidamada, habka dalacsiinta, mushaarka ciidamada, iyo khasaaraha mararka qaar soo gaara shacabka intii lagu guda jiray hawlgallada. Waxaa sidoo kale laga dooday qorsheyaasha lagu tayeynayo ciidamada kala duwan, oo ay ku jiraan tababarada iyo qalabeynta, si loo hagaajiyo awooddooda fulineed.

Mas’uuliyiinta Amniga ayaa ku dheeraaday sharaxaadda hawlgallada socda, qorsheyaasha mustaqbalka, iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan. Waxay kaloo tilmaameen dedaallada lagu horumarinayo Amniga xuduudaha Puntland, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxaha khatarta ah.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ku adkeystay in la dar-dargeliyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, lana xoojiyo barnaamijyada lagu horumarinayo Amniga, tayeynta xabsiyada, iyo wacyigelinta shacabka si looga hortago khataraha xagjirnimada.

Golaha ayaa kula dar-daarmay hay’adaha Amniga sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan ka shaqeynta Amniga isla markaana ay kor u qaadaan isku-xirka laamaha amniga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo badbaadada dadka reer Puntland.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Scroll to Top