Boosaaso: 10,May,2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari & Wasiir ku-xigeenka arrimaha Gudaha Puntland.

Kulanka ayaa ahaa mid xog wareysi ah, kaas oo ku saabsan xaaladda guud & xasiloonida Gobolka Bari, gaar ahaana maalmaha lagu jiro ololaha doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka ee dhacaysa 25-ka May 2023.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muhiimad weyn Gobolku u leeyahay Dawladda Puntland, islamarkaana siwadajir ah looga wada shaqeeyo xasiloonida iyo deganaanshaha Gobolka Bari.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA & WACYI-GELINTA GOLAHA WAKIILLADA DPL PUNTLAND.

