Garoowe, December 12, 2022: Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Qado sharafeed & saggootin ugu sameeyey Beerta Arlo, Garsoore Axmed Xuseen (Soomali) oo muddo 17-sano ah ka mid ahaa hawl-wadeenada Golaha Wakiilladda, islamarkaana dhawaan ka mid noqday Xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland.
Qado sharafta ayaa waxaa ka qeyb-galay Xoghyaha Guud Golaha, Agaasimeyaal iyo Hawl-wadeenada Golaha Wakiilllada.
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa sheegay in Garsoore Axmed Soomali uu door muhiim ah ku lahaa shaqada Golaha Wakiillada, wuxuuna u rajeeyey in mas’uuliyadda loo igmaday uu Alle u fududeeyo.
Garsoore Axmed Soomali ayaa ka mahadceliyey kulanka maamuuska leh ee loo sameeyey, isagoo howl-wadeennada kula dardaarmay in lasii labo jibaaro shaqada baaxada leh ee dalka loo hayo.
Ugu dambeyn, hawl-wadeenada Golaha oo sagootiyey Garsoore Axmed Xuseen ayaa kula dardaarmay inuu kaalin wanaagsan ka qaato hagaajinta dawladnimada ee dhanka sarreynta sharciga.








DHAMMAAD