Golaha Wakiillada

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe

Garoowe, October 06, 2024 – Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa maanta ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, Mudane, H.E Ilyas Osman Lugatoor , oo safar shaqo dalka uga maqnaa.

Soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa sidoo kale ka qayb galay Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiil ciidan, maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, iyo dadweyne kale oo badan oo isu soo baxay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa safar ku tagay qaar ka mid ah dalalka Yurub, halkaas oo uu kulamo la yeeshay madax dawladaha, lagana hadlay maal-gashi iyo taageero ku aaddan horumarinta dalka Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top