Golaha Wakiillada

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, xarunteeda Boosaaso.

Boosaaso, October 06, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Waaxda Dhawridda Tayada Badeecadaha Puntland ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, xarunteeda Boosaaso.

Intii uu kormeerku socday, wafdiga ayaa si gaar ah ugu kuur galay shaqooyinka muhiimka ah ee waaxdani ka qabato ilaalinta tayada badeecadaha ganacsi ee gudaha iyo kuwa la dhoofiyo. Waaxda Dhawridda Tayada Badeecadaha Puntland (Puntland Quality Control Department) ayaa ah hay’ad muhiim u ah horumarinta ganacsiga Puntland, iyada oo mas’uul ka ah hubinta tayada badeecadaha ganacsiga ee soo gala iyo kuwa ka baxa dalka, gaar ahaan badeecooyinka la xiriira cuntada, dawooyinka, iyo agabka kale ee muhiimka ah.

Guddoomiye ku-xigeenka iyo wafdigiisa waxay warbixin ka dhageysteen masuuliyiinta waaxda, kuwaas oo sharaxay habraacyada lagu xaqiijiyo tayada badeecadaha si loo ilaaliyo badqabka bulshada iyo tayada badeecooyinka ganacsi ee la dhoofiyo. Waxay sidoo kale ka warbixiyeen shaqooyinka horumarineed ee waaxda, oo ay ku jiraan helitaanka qalab casri ah oo lagu baadho tayada badeecadaha iyo tababarada loo fidiyo shaqaalaha si ay u hagaajiyaan adeegyadooda.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay waaxda shaqada ay u hayaan Puntland, wuxuuna ku adkeeyay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo in badeecad kasta oo Puntland soo gasha ama ka baxda ay noqoto mid leh tayo caalami ah. Waaxda Dhawridda Tayada Badeecadaha Puntland ayaa door muhiim ah ka ciyaarta hubinta in badeecooyinka ay ka soo baxaan heerarka caalamiga ah, taas oo fure u ah kobaca ganacsiga iyo kalsoonida caalamiga ah ee badeecooyinka Puntland.

Waaxdani waxay sidoo kale kaalin mug leh ku leedahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyada oo hubisa in badeecooyinka caafimaadka, cuntooyinka iyo agabka kale ee muhiimka ah ay waafaqsan yihiin heerarka caafimaadka iyo badbaadada, taas oo sare u qaadaysa sumcadda Puntland ee ganacsiga caalamiga ah.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top