Isku-shuban – 11ka Maajo 2025: Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.
Waftigan oo qeyb ka ahaayeen Xildhibaannada oo kala ahaa; Bashiir Mire Axmed, Maxamed Salaad Cabdi Iyo Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud ayaa jeedka safarkoodu daarranaa kormeer iyo xog-ururin ku saabsan xaaladda guud ee degmada, gaar ahaan arrimaha amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarka ka socda deegaanka.
Weftiga ayaa kulammo la qaatay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo dhegeystay talooyin iyo cabashooyin la xiriira baahiyaha deegaanka.
Sidoo kale, weftigu waxa ay booqdeen mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey degmada, kuwaas oo ay fuliyeen Wasaaradaha Caafimaadka iyo Beeraha Dowladda Puntland. Xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka ayaa door mug leh ka qaatay hirgelinta iyo kormeerka mashruucyadan, iyagoo ku dadaalayay in la xaqiijiyo in adeegyadaas si hufan uga faa’iideystaan shacabka degmada.
DHAMMAAD –


