Boosaaso, Oktoobar 03, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xarig-jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni.
Dhismahan cusub ayaa lagu wadaa inuu kor u qaado adeegyada wasaaradda, isagoo bixin doona adeegyo casri ah oo wax ka taraya maareynta iyo horumarinta kalluumeysiga iyo khayraadka badda ee muhiimka u ah dhaqaalaha Puntland.
Munaasabaddan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dawladda Puntland ay ku xoojinayso waaxyaha muhiimka ah sida kalluumeysiga, waxaana madasha laga xusay muhiimadda iskaashiga hay’adaha Dawladda si loo hormariyo adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland